Barashada Bacadweyne District Bye Zubeyr

Barashada Bacadweyne District Bye Zubeyr

Bacadweyne Dagmada Bacadweyne waa Degmo ka´tirsan gobolka Mudug, waana magaalo facweyn oo ku caan ah barashada diinta islaamka sidoo kale waa magaalo ganacsi oo waxay caan ku tahay cusbada iyadoo loo iib geeyo dhamaan gobolada kale ee dalka soomaaliya iyo waliba Ethiopia. Waa degmo caan ku ah biyaha iyo daaqa. (GREEN ZONE) sidoo kale waa Degmo caan ku ah dhaqashada xoolaha sida geela Ariga iyo Lo'da. Xoolaha degmadaan waxaa loo iib geeyaa dhamaan gobolada kale ee dalka iyo waliba dalka Saudi Arabia. Waxaa xiriir ganacsi oo aad u facweyn la leh degmadaan shirkada dhoofinta xoolaha ee indho deero oo ah shirkada kaliya ee heysata ogolaanshaha dhoofinta xoolaha ee deegaankan. Degmadaan waxaa daga beesha (qubeys ee surre) Dir oo ah beel facweyn oo kasoo jeeda Qowmiyada Direed. waxaana hoos yimaada ilaa 51 tuulo. Dadkeedana waxaa lagu qiyaasaa ilaa 190 ilaa 210 kun oo ruux. Beesha Qubeys waxay aqoonsan tahay jiritaanka Dowlada Federaalka KMG ah ee soomaaliya. marna ma aqoonsana maamulada gacan ku rimiska ah ee dhawaanahaan laga magacaabay Cadaado iyo koonfurta Galkacyo. Beesha qubeys waa beel aaminsan nabad iyo darisnimo iney kula noolaato beelaha wada dagan Gobolka Mudug. DHINACA HORUMARKA. Degmada Bacadweyne waxaa ka socda dhismayaal dugsiyo dhexe iyo kuwa sare oo ah kuwa cusub. waxaa kaloo socda dayactir balaaran dhismayaashii qadiim ka ahaa. waxaa u istaagay howlahaan dhamaan jaaliyada beesha Qubeys ee ku nool qurbaha oo go'aansaday iney ka qeyb qaataan horumarka dalkooda, waxaa iyadana la wadaa dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Bacadweyne. Degmada Bacadweyne waxaa ka furan hal bangi oo ah DAHABSHIIL BANK. Degmada bacadweyne waxaa ka socda dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo ku saabsan dhinacyada dib, uheshiisiinta ummada soomaaliyeed waxaana lagu wadaa in dhawaan lagu qabto kulanka nabadeynta iyo wadatashiga beelaha wada daga gobolka mudug si loo sameeyo nabad waarta iyo maamul wanaag iyo in meel looga soo wada jeesto ciribtirka burcad badeedka oo si gaar ah halis ugu heysa degmada Bacadweyne. Shirkaan oo qaban qaabadiisa ay isla wadaan UNDP/UNPOS/TFG/PUNTLAND iyo maamulka Degmada Bacadweyne.

sowda04:52, 1 June 2012